U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Wasiirka Difaaca iyo Siihayaha Safiirka Dowladda Mareykanka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya  mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Muqdisho kula kulmay   sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya mudane Shane L. Dixon.

Kulan looga hadlayay dadaallada Dowladda Federalka Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, hirgelinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Qorshaha ATMIS, xilli ay bilaabeen bixitaanka wajioga 3-aad ee raritaanka.

Wasiirka ayaa Danjiraha kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee horumarinta nabadda & amniga Soomaaliya ee ay dowladda Mareykanku la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, taas oo dhinacyo badan ah.