U bood dhigaalka

Hey’adda SODMA oo Gargaar u Dirtay Deegaanka Janaale oo ay Ku Sugan Yihiin Dad Danyar ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta waxa ay degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose u dirtay Doonyo sida shixnado mucaawino gargaar ah, kuwaas oo ka ambabaxay Degaan xebeedka Zasiira.

Doonyahaan ayaa ku xiran doono Xeebta Magaalada Marka ee caasimada Gobolkaas, waxaana intaas kadib looga daabuli donaa gaadiid si deegaankas loo gaarsiiyo, waxaana saaran gargaar ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka.

Mucaawinadan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo 1,500 oo qoys, waxana Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka gargaarkaan ku wareejisay Guddoomiyaha deegaanka Janaale Md. Cabdiraxmaan Al-cadaala oo la hadlay warbaahinta.

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa muddoyinkii dambe waxaa ay waday dadaallo ku aadan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa bulshada kuwooda danta yar ee aan awoodin in ay helaan cunto maadaama lagu jiro bisha Barekaysan ee Ramadaan.