U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Hortagay Guddiga Arrimaha Dibadda Ee Golaha Shacabka

Kulanka waxaa shir Gudoominayay Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS Xil.Abdullahi Bidhaan Warsame, waxaana goobjoog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Guddiga xil.Aweys Hussein Mo’alin iyo Xoghayah Guddiga Xil.Sayid Ali Isak.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa Su.aalo weydiin iyo la xisaabtanka iyo kor-joogteynta wasaarada Arrimaha Dibidda, waxaana halkaas su’aalo kale duwan lagu weydiiyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dimaha dibadda uu goobjoog ka ahaa wasiirudowlaha wasaaradda Cali Balcad

Wasiir Dowlaha Wasaarada Mudane Ali Mohamed Omar(Ali Balcad) Ayaa Guddiga ugu warbixiyay habsami usocodka howlaha shaqo ee wasaarada iyo sida ay u shaqeyaan safaaradaha dalalka caalamka aan ku leenahay

Intaasi kadib Guddiga ayaa guda galay su’aalo weydiinta wasaarada ayagoona inta badan weydiimahooda kuwajahneeyd saafaradaha dibada dhibaatooyinka ay ku qabaan shacabka soomaliyeed gaar ahaan Safaaradda Hindiya.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda ayaa ka wada jawaabay Guud ahaan Su’aalihii ay weydiiyeen Xubnaha Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS.

Gabagabadii Guddoomiyaha Guddiga

Xil.Abdullahi Bidhaan Warsame ayaa soo xiray kulanka maanta uu Guddigu layeeshay Wasiir Dowlaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda xubnaha kale ee lasocday Sidoo kale waxa uu sheegay in uu siisocon doono wada shaqeynta iyo la-xisaabtanka wasaarada uu