U bood dhigaalka

Paris Club oo $2 billion Ka cafiyay Soomaaliya

Wada hadal mirodhal oo ay Dowladda Soomaaliya iyo Paris Club ku yeesheen caasimadda dalka Faransiiska ayey 10-ka dal ee naadigaasi ku mideysan Soomaaliya ka cafiyeen 99%, taasi oo ka dhigeysa in Muqdisho ay dib ugu soo noqotay Hannaanka Maaliyadeed ee caalami ah.

Qoraal ay arbacadii soo saareen naadiga ayey kusheegeen in dalalka deynta ku lahaa Soomaaliya ay cafiyeen ilaa $2 billion, taas qeyb ka ah hannaanka HIPC.

Arrintan fududeynteeda waxaa qeyb ka ahaa wakiillo ka socday Belgium, Denmark, France, Germany, Italy, Japan, the Netherlands, Norway, the Russian Federation, Spain, the United Kingdom iyo the United States of America, waxaa kale oo ku jiray European Commission, AfDB, iyi OECD oo korjoogto ahaa.

Naadiga ayaa ammaanay dadaallada la xiriira istiraatiiniyadda Dowladda Soomaaliya ee la dagaalanka Faqriga, barnaamijka Dib u habeynta dhaqaalaha iyo wax kaqabadka Arrimaha caafimaafka iyo waxbarashada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo haatan horkacaya wafdiga gortanka la galay naadigaas ayaa isaga oo ku sugan Paris sheegay in Soomaaliya laga cafiyay si dhameystiran deymihii Paris Club ee HIPC isaga oo intaa raaciyay in deymaha ka baxsan hannaankan ee Soomaaliya lagu leeyahay ay si fool ka fool ah ula fariisan doonaan dalalka iyo heyโ€™adahaasi ku leh.