U bood dhigaalka

Ciidanka Israel oo 21 Falastiiniyiin ah Ku Dishay Goob Lagu Qeybinayay Gargaar Marinka Gaza

Sheeko:Caalamka

Ugu yaraan 21 falastiiniyiin ah ayaa la dilay ka dib markii ciidamada Israel ay rasaas ku fureen kumannaan qof oo gargaar ku sugayay magaalada Qaza, sida ay sheegeen saraakiisha dowlad, goobta rasaasta ay ka dhacday ayaa ah goob lagu qeybinayay gargaar loogu talogalay dadka.

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa ku tilmaantay weerarkii khamiista galinkeedii dambe uu ahaa “xasuuq cusub oo la sii qorsheeyay” waxayna sheegtay in in ka badan 150 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen, dhacdadaan ayaa noqonaysa tii labaad oo Israel ay ka geystay marinka Gaza.

Waxay ahayd tii ugu dambeysay ee weerarro xiriir ah oo lala beegsaday  dadka sida weyn ugu baahan cunto iyo sahayda kale ee muhiimka ah iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan, Israa’iil ay sii wado carqaladeynta oo ay si ba’an u xakameynayso gelitaanka gargaarka ee deegaanka Gaza.

Horaantii Khamiista, isla goobta cuntada lagu qeybiyo ee Roundabout Kuwait, ayay ciidamada Israel ay toogasho ku dileen ugu yaraan lix falastiiniyiin ah, iyadoo tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 400 oo qof weeraradan ay Israel ku beegsanayso goobaha lagu qeybinayo gargaarka.

Dagaalka ka socda magaalada Gaza ayaa sii socda wali xilli wadahadallo aan natiijo laga gaarin ay ka socdaan Qaahira oo u dhaxeeya Israel iyo Falastiin, dhacdooyinka beegsiga goobaha laga qeybinayo gargaarka waa markii labaad oo ay ciidanka Israel ay ka geysanayaan marinka Gaza.

Community Verified icon
Community Verified icon