U bood dhigaalka

Washington oo Ka Walaacsan Awoodaha Ruusha iyo Shiinaha Ee Ku Siibaaheysa Afirka

Sheeko:Caalamka

Dalalka Shiinaha iyo Ruushka ayaa awoodoodu ku baahday qaaradda Afrika taasi oo khatar u ah danaha Washington ee qaraadda, waxaana soo baxaya walaac xooggan oo Mareykanku ka qabo arritaan iyo in ay gacanta ka baxdo awoodda uu ku leeyahay Qaaradda Afrika Qarniga 21-aad.

Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa toddobaadkii hore uga digay Congress-ka Maraykanka in Ruushka uu si ba’an u ballaarinayo awoodda uu ku leeyahay gudaha Qaaradda Afrika, xilli Qaaraddu ay noqotay goob ay siweyn ugu loolamahaan awoodaha caalamka ka jira.

Taliyaha guud ee ciidanka Africom General Michael E. Langley ayaa u sheegay guddiga Hubka ee aqalka sare ee Sanadka in ay tahay in laga hortago awood ballaarsiga Ruushka ee Afrika, muddo badan saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay awoodda sii kordheysa ee Ruushka iyo Shiinaha.

Arrintaan ayaa u muuqata in maamulka Mareykanka uu garowsaday awoodda xad-dhaafka ee dalalkaan ay ku leeyihiin Qaaradda Afrika, Ruushka ayaa la aaminsan yahay in dalal badan oo ku yaalla Afrika uu ka saaciday in Afgambiyo ay ka dhacaan sida dalalka Niger,Burkino Faso iyo Mali.

Awoodda Ruushka ayaa aad usoo baxday, waxaana muuqata inuu sameysano xulufo ka xooggan midda Mareykanka ee Qaaradda, kadib dagaalkii ka dhacay Ukraine iyo sidoo kale cunaqabateyntii ay kusoo rogeyn dalalka reer Galbeedka, taas oo saameyn xooggan ku yeelatay, waxaa kale uu Shiinaha qaaradda la leeyahay xiriir dhinacyo badan.

20-kii sano ee lasoo dhaafay Mareykanka ayaa awood xooggan ku lahaa Qaaradda Afrika, waxaa uu ku leeyahay mid kamid ah talisyadiisa ugu xooggan, laakiin markaan waxaa muuqa Ruushka iyo Shiinuhu iney bannaanka keenayaan saameynto Milatari iyo dhaqaale ee Qaaradda Afrika.