U bood dhigaalka

Akhriso: Sida Loogu Kala Tartamayo Guddoomiyaha Midow Afrika iyo Ku-xigeennadiisa.

Midowga Afrika ayaa haatan wada dadaalkii ugu dambeeyay iyo diyaargarowga ku aadan doorashada guddoomiyaha guddiga midowga Afrika ee qabsoomaysa February 2025 oo ay ku loolamayaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo ay u kala sharaxan yihiin Wasiir hore Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo Raila Odinga.

Golaha Sare ee Midowga Afrika ayaa qaaday tallaabo hor leh, isagoo go’aansaday in guddoomiyaha xiga ee Guddiga Midowga Afrika uu ka imaanayo Bariga Afrika muddo xileedka soo aadan maadama ay tahay meerto ku wareegta Qaaradda, kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Golaha Fulinta ee midowga Afrika wuxuu ku yeeshay kulankoodii 22-aad, kaas oo diiradda lagu saarayay doorashada soo wajahan ee hoggaanka sare, waxaana muuqata in sanadkaan dowladda Soomaaliya ay heleyso taageero, maadaama ay kusoo laabatay saaxada lagu jaangooyo siyaasadda Qaaradda Afrika .

Go’aankan oo shalay lagu dhawaaqay ayaa imaanaya iyadoo musharraxiinta haatan u taagan guddoonka midowga ay kasoo jeedaan Bariga Afrika: Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Raila Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka Kenya oo tartan adag uu dhexmarayo.

Waxaa intaa dheer in go’aankan lagu xusay in Waqooyiga Afrika ay soo xushaan booska ku xigeenka guddoomiyaha midowga, halka Bartamaha, Koofurta, iyo Galbeedka Afrikana ay soo xulan karaan lix boos oo xubin guddiga ka mid noqoneysa ah, iyadoo meeratada guddoomiyaha Bariga ay taallo.

Soomaaliya ayaa dhankeeda abaabul xooggan iyo diyaar garow ugu jirta doorashada Midowga Afrika oo dhici doonta bisha Febraayo ee sanadka 2025. Fowsiya yuusuf Xaaji Aaden aya adhanka Soomaaliya u sharrarxan kursigaas halka Raila Odinga oo Kenya ka socda uu musharraxa kula tartamayo kursigaan.