U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Wasiir Fiqi iyo Siihayaha Safiirka Dowladda Suudaan?

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safaaradda dalka Suudaan ee Soomaaliya mudane Camaar Axmed iyada oo laga wada hadlay xaaladda labada dal, midda gobolka, qaxootiga iyo arrimo kale.

Mudane Camaar oo ugu horreyn ka hadlay kulanka ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay garab istaagga ay muujiyeen xaaladda ay ku jiraan, isaga oo ku dheeraaday xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga soojireenka ah, waxaa uuna rajeeyey xoojinta iska warqabka bulsho ee labada dhinac, waxaa uu ugu dambeyntii codsaday in albaabada loo furo qaxootiga reer Suudaan, magangalyodoonka iyo maalgeshatada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in ay si dhow ula socdaan xaaladda dalka walaalaha ah ee Suudaan, abaalna ay u hayaan shacabka iyo bulshada reer Suudaan oo muddo dheer soo garab taagnaa shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaa raaciyay in ay mudan yihiin in si gaar ah markooda loo garab istaago, lana fududeeyo wax kasta oo ay codsanayaan.