U bood dhigaalka

Dowladda Qatar oo Rajo Ka Muujisay in Xabadjoojin Ka Dhaqangasha Marinka Magaalada Qaza.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda ee Qatar ayaa rajo badan ka muujiyey, heshiis xabad-joojineed oo dhex mara Israa’iil iyo Xamas, iyo in la sii daayo la-haystayaal dheeri ah, xilli ay sii socdaan weerarrada bahalnimada ah ee lagu beegsanayo xeryaha barakacayaasha eek u yaalla magalada Qaza.

Majed Al-Ansari ayaa yididiiladan muujiyey, xilli ay magaalada Dooxa ka socdaan wadahadalo ku saabsan, sidii heshiis xabbad-joojineed loo gaadhi lahaa. wufuudda ka qayb gelaya wadahadaladan waxaa ka mida taliyaha sirdoonka ee Israa’iil David Barnea, xilli hore ayaa la filaa in lagu dhawaaqo in heshiis la gaadhay.

Waxyaabaha miiska yaalla ayay ka mid yihiin, in la gaadho heshiis xabbad-joojineed oo soconaya muddo lix toddobaad ah. Haddiiba heshiiskan la gaadho, waa markii labaad ee labada dhinac ay isku afgartaan heshiis xabad-joojineed muddo shan bilooda oo dagaalku socdo, kaas oo sababay khasaare xooggan.

Arrimaha laga wada hadlayo ayay ku jiraan, in la sii daayo qaar ka mida la haystayaasha Israa’iil ee ay gacanta ugu jira Xamaas, halka dhinaca Israa’iil ay iyana sii dayso tobanaan Falastiiniyiin ah, sidoo kale waxaa laga wada hadlayaa in la ogolaado in cunto dheeri ah iyo gargaar bini’aadanimo la geeyo Qaza.

Sarkaal Xamaas u hadlay ayaa soo jeediyey in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan magaalooyinka waaweyn iyo goobaha dadweynuhu ku sugan yihiin. Hase ahaatee faahfaahinta arrintaas, illaa haatan xog badan lagama hayo, waxaana suurogala in wadahadaladu ay qaataan maalmo ama toddobaaddo hor leh.