U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirka Sanadlaha ah ee Midowga Yurub

Dowladda Soomaaaliya ayaa si rasmi ah loogu casumay ka qayb galka shirka sanadlaha ah ee Midowga Yurub oo looga hadlo ilaalinta iyo samata-bixinta arrimaha bulshada ee loo yaqaano Social Protection, kaasi oo sanadkan 2024 ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Shirkan oo ay isugu yimaadaan sanad kasta dhamaan waddamada iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha samata-bixinta bulshada ayaa si gaar ah loogu lafa guray tallaabooyinka wanaagsan ee muddooyinkii danbe loo qaaday dhinaca samata bixinta dalalka soo koroya.

Madaxa barnaamijka BAXNAANO ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Marwo, Fardawsa Cabdullahi oo si rasmi ah u metelaysa Dawladda Soomaaliya ayaa shirkaas ka qayb gashay, waxayna ka jeedisay khudbad dhaxal-gal ah oo ay kaga hadashay dedaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixisay arrimaha samata-bixinta bulshada.

Marwo Fardowsa waxay shirka ka sheegtay in Soomaaliya ay dedaal badan gelisay samata-bixinta dadka tabarta daran iyo dadka ku waxyeelloobay dagaallada, barakaca iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale, waxay ugu baaqday dhamaan hay’adaha Midowga Yurub ee ka shaqeeya ilaalinta arrimaha bulshada in ay mar kasta ku hawl-galaaan nidaamka ama qorshaha Qaran ee Dawladda Soomaaliya u dejisay arrimaha samata-bixinta bulshada, si loo daboolo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan dadka tabarta daran ee ku nool gudaha dalka.

Madaxweynaha Midowga Yurub, Von Der Leyen ayaa dhankeeda dowladda Soomaaliya ku bogaadisay dedaalka wanaagsan ee ay ku bixisay arrimaha samata-bixinta bulshada, waxayna hoosta ka xariiqday in ay xoojin doonaan garab istaagga Soomaaliya.