U bood dhigaalka

Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Qaaday Xero Baracayaal Gargaar Loogu Qeybinayay Marinka Qaza

Sheeko:Caalamka

Waxaa si aad ah isusoo taraya wararka sheegaya in duqeyn diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysteen Qasa lagu dilay tobannaan qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 23 qof oo ilaalo u ahaa dadka gargaarka gaarsiinayay baakacayaasha Falastiinyiinta ah, waxaana ay noqotay dhacdadaan mid siweyn loo cambaareeyay.

Sidoo kale dhacdo kale ayaa lagu warrmayaa in ay ku dhinteen 20 qof oo kale kadib weerar lagu qaaday dhisme ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat ee baratamaha Qasa, dadka la dilay ayaa waxaa ku jira xilli hey’adda WHO ay sheegeyso in ay ka walaacsan tahay dhibaatada heysata caruurta Falastiin ee Qasa.

“Nasiib darro, haween, carruur iyo deriska ayaa lagu dilay halkan, Inkasta oo waxaas oo dhan ay jiraan, waxaan leenahay Alxamdulilaah. Dhaqaale la’aan awgeed, maydadka ayaa ku hoos jira burburka, mana awoodno inaan soo saarno” ayuu yiri Miqbil oo gurigooda la weeraray ayaa Aljazira u sheegay hadalkaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa in uu dib ugu soo laabto bariga dhexe,taasi oo qayb ka ah dadaalka cusub ee ay Washinton ku doonayso in ay ku xaqiijiso heshiis xabad joojin ah oo dhex mara Israel iyo Xamaas, waxaana uu booqanayaa dalalka Sucuudiga iyo Masar.

Gargaarka ugu badan ee dhinaca UK ay geyso Qaza ayaa soo galay marinka, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain Arbacadii, In ka badan 2,000 oo tan oo cunto gargaar ah ayaa Gaza uga soo gudbay Urdun, waxaana ka faaiideysanaya “in ka badan 275,000 oo qof” ayaa laga soo xigtay Britain.