U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo Soomaaliya Ku Bogaadisay Ilaalinta Xuquuqda Caruurta iyo Kahortagga Askareyntooda

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing iyo Wakiilka UNICEF Wafaa Siciid.

Kulanka ayaa looga hadlay siweyna loogu adkeeyay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso ka hortagga tacaddiyada caruurta gaar ahaan askaraynta iyo xadgudubyada kale ee soo wajihi kara xilliga qaar, iyadoo dhowaan UNICEF ay ka digtay askareynta caruurta aan qaangaarka aheyn.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Wakiilka hay’adda UNICEF ayaa dhankooda bogaadiyay dadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira ilaalinta xuquuqda caruurta, dowladda ayaa hore u sheegtay inaan marnaba la ogaan doonin qorista caruurta.

Hey’adda u doodad xuquuqda caruurta ee Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in hey’addu ay wado dadaallo looga golleeyahay sidii Afrika looga joojin lahaa askareynta caruurta, kuwaasoo aan aheyn  qaangaar, waxaana jirar dalal badan oo sixiixay sharciga ilaalinta xuquuqda caruurta.