U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ka Qeybgashay Shirweynaha Xoghayeyaasha Baarlamaannada Adduunka

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa ka qeyb galay kulanka guud ee Xoghayayaasha Baarlaamaanada Aduunka kaas oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Mudane Jaabiri oo hadal ka jeediyay kulanka Xoghayayaasha Baarlamaanada Aduunka ayaa uga warbixiyay hormarka uu sameeyay Baarlamaanka 11-aad ee JFS, gaar ahaan shuruucda horutabinta u leh dhismaha dowladnimada dalka iyo dib u eegista dastuurka oo ahmiyad gaar ah u leh Qaranimada.

Xoghaya guud ee Golaha Shacabka waxaa uu qeyb ka yahay wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Abdullahi Cumar Abshirow oo ka qeyb galaya meertada 148-aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka