U bood dhigaalka

Wasiir Maaliyadda oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Ka Hortagga Lacag Dhaqista

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir-guddoomiyay kulanka guddiga Qaran ee Ka hortaga Lacag-dhaqista iyo Maalgalinta Argagixisada oo ay xubno ka yihiin hey’adaha Dowladda ee ka shaqeeya arrimaha Dhaqaalaha iyo Amniga.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo laba-laabi lahaa dadaalada lagu cuuryaaminayo ilaha dhaqaale ee kooxda khawaarijta iyo shaqsiyaadka garab ku siiya maalgalinta, sidoo kale waxaa laga wada hadlay dhameystirka sharciyada muhiimka u ah nidaamyada maaliyadeed ee hagaya sugnaanta dhalaaqalaha si looga hortago in ay maalgalin helaan kooxda khawaarijta dhibaatada ku ah ummadda Soomaaliyeed.

Sharka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay warbixino ka hadlaya wixii ka qabsoomay fulinta go’aamada shirarkii kan ka horeeyay ee ay yeesheen guddigaan taas oo muujinaysa natiijo wanaagsan in laga gaaray ladagaalanka khawaarijta oo dhaqaale ahaan aad loo cuuryaamiyay.

Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay dhammaan xubnaha guddiga oo ka kooban, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Amniga, Hey’adda NISA, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Bangiga Dhexe iyo Xarunta Warbixinada Maaliyadeed ee FRC.

Gabgabadii shirka ayaa lagu muujiyay sida ay uga go’an tahay Dowladda in la ilaaliyo badqabka hannaanka maaliyadeed ee dalka iyada oo la tixgalinayo, loona adeegayo bulshada Soomaaliyeed oo dhibaatooyinka kala soo kulmay argagixisada arxanka daran.