U bood dhigaalka

Baarlamaanka Afrika oo Doortay Hoggaan Cusub iyo Wadamada Galbeedka oo Ku Guuleystay

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhacday doorasho lagu soo doornayey hoggaanka cusub ee uu yeelan doono baarlamaanka guud ee dalalka Afrika, ee loo yaqaan Africa Pan African Parliement, waxaana kasoo qeyb gala oo codeeya xildhibanno iyo Senatorro ka socda Baarlamaannada dalalka.


Golahan ayaa ka kooban xubno kala duwan oo ka kala yimaadda baarlaamaannada ay leeyihiin dalalka Qaaradda Afrika, iyada oo waddan kastaa ku yeelanayo shan xubnood, kuwaas oo ku matalaya dalkaas codbixinta lagu soo dooranayo hoogaanka cusub ee Baarlamaanka ay ku midaysan yihiin dalalka Afrika.


Senator. Chief Fortune Charumbira oo u dhashay dalka Zimbabwe ayaa si aqlabiyad leh loogu doortay in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee Baarlamaanka Pan-African-ka, isaga oo helay 161 cod, 32 ruux ayaa ka aamustay halka 11-na ay diiday sidaas ayuu ku noqday madaxweynaha Baarlamaanka dalalka Afrika.


Dowladda Soomaaliya waxaa ku metelayey xubno kala duwan oo uu ka mid ahaa Professor Senator Cabdi Ismaaciil Samatar, kursigaan ayaa ah meerto lixdii sano wareegta waxaana sanadkaan ku guuleystay waddamada dhaca Galbeedka, xilli sidoo kale dalalka Waqooyiga iyo Bariga iyo Bartamaha ay sugayaan.


Professor-ka oo la hadlayay laanta BBC-da ayaa sheegay in Kursigaan u uku wareego dalalka waxaana uu caraka ku dhuftay insanadkaan Galbeedku qaateen “Walaal madaxtooyadu waa wareegto, hadda waxaa ku fadhiya waddammada Koonfurta, hadhawna waxaa xigaya waooyiga, bariga iyo galbeedka’ ayuu yiri.


Marka laga soo tago madaxweynaha golahaan African Parliement waxaa sidoo kale goobta lagu soo doortaa Afar ku xigeen oo kala metelaya afarta jiho ee qaaradda, marka laga tago madaxweynaha golahaas ee oo ka imaan kara dhinaca kale, doorashada sanadkaan ayaa aheyd mid lagu tartamayay.