U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Dhigeeda Aljeriya Kala Hadashay Ka Taageeridda Kursiga Midowga Afrika

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane, Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa kula kula qaatay Xafiiskiisa Nairobi danjiraha dalka Aljeeriya isla markaana qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, Mahi Boumediene, kadib kulan ay wada qaateen.

Labada Safiir ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu dardar-gelin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyo badan oo dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ay ku jiraan.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka codsaday Danjire, Mahi Boumediene in ay Soomaaliya ku taageerto codkeeda marka lagu loollamayo fagaarayaasha caalamiga ah, tartannadaasi oo uu ugu horreeyo doorashada xubnaha Golaha Ammaanka.

Soomaaliya ayaa kamida dalalka ku tartamaya kuraaska xubnaha aan joogta ahayn ee Golaha Amaanka, iyadoo garab istaag ka dalbatay dowlado ay ka mid tahay Aljeeriya, dowladda Soomaaliya ayaa dalalka Afrika ka dhex wada olole xooggan oo ay ugu jirto.

Soomaaliya iyo Aljeeriya waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer, kaas oo salka  ku haya iskaashi iyo xiriir walaaltinimo, maadaama ay yihiin dad wax badan wadaaga,  Al-Jeria ayaa sidoo kale ay ka wada tirsan yihiin ururka Jaamaacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka.