U bood dhigaalka

Magaalada Kampala oo Laga  Daahfuray Bangi Islaami ah oo Dalkaas Laga Hirgeliyay Markii Ugu Horeysay

Xafiiska madaxweynaha Uganda ayaa shaaciyay in laan ka tirsan Bankiga Salaam ee fadhigiisu yahay dalka Jabuuti Arbacadii laga daahfuray dalka Uganda, iyada oo bankigan uu yahay hay’ad maaliyadeed oo waafaqsan shareecada Islaamka, sida uu shaaciyay xafiiska Yoweri Museveni, taas oo guul lagu sheegay.

Daah-furka howlaha Bankiga Salam Bank Limited waxa ay daba socotaa sharci sannadkii hore fasaxaya adeegyada bangiyada Islaamiga ah ee Uganda, Bankigaan ayaa faracyo waa weyn ku leh Soomalaiya iyo Jabuuti, isaga oo hoostaga shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo ah shirkadda ugu weyn Soomaaliya ee isgaarsiinta.

Bankiyada Islaamku waxa ay raacaan mabaadi’da diinta Islaamka, sida mamnuucida bixinta dulsaarka iyo sidoo kale ka fogaanshaha maalgashiga hawlaha qaarkood sida khamaarka oo kale, waxaana sidoo kale munaasabadda daahfurka oo ka dhacday waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan qeybtiisa Jabuuti.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ka qeybgalay xafladda furitaanka bangigan oo ka dhacday caasimadda Kampala, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa, taas oo horseedaysa in dalka ay soo gaaraan bangiyo nuucaan oo kale ah maadama la ansixiyay sharciga ogolaanaya Islaamiga.

Muslimiinta, oo 14% ka ah shacabka Uganda, ayaa in muddo ah ka cabanayey in bangiyada Uganda aysan haysan wax soo saar shareecada waafaqsan, taas oo keentay in cabashadooda lagu ogolaado in sharci la meel mariyo ogolaanaya in Bangiyada Islaamiga ah ay imaan karaan dalka si ay Muslimiinta ula falgalaan.