U bood dhigaalka

Kulan Loogu Duceynayay Marxuum Cabdi Cismaan Xareed oo Ka Dhacay Xarunta Aqalka Sare

Sheeko:Aqalka Sare

Ku simaha Guddoomiyaha Aqalka sare ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa ka qayb galay munaasabad Quraan akhris ah oo loogu ducaynayay alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Cismaan Xareed.

Kulanka Ducada ayaa lagu soo bandhigay sooyaalkii nololeed ee Marxuum Cabdi Cismaan Xareed, oo ku suntanaa abaabulka iyo ka qayb qaadashada hawlaha samafalka sida dhisidda Masaajidyada, goobo waxbarasho, qodista ceelal biyoodyo iyo gurmadka dhibatooyinka soo laalaabta, iyada oo ay dadkii kulanka ka hadlay dhammaantood ay tilmaameen in marxuumku uu ahaa qof degan, afgaaban, naxariis badan oo ummadda Soomaaliyeed ugu soo adeegay si daacad ah.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow Sanatarro, Xildhibaanno, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Odoyaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.