Soomaaliya oo Sanduuqa IFAD Ka Heshay $31.22 million oo Lagu Hormarinayo Nolosha Reer Miyiga
Sheeko:Warar & Warbixino
Sanduuqa horumarinta Beeraha (IFAD) ayaa Soomaaliya ku maalgelinaya ilaa $31.22 million oo loogu talogalay horumarinta nolosha reer miyiga ee RLRP.
Barnaamijkan oo imaanaya kadib markii Soomaaliya ay iska magtay qarashka lagu lahaa ayaa waxaa loogu talogalay inuu kor uqaado amniga cuntada, iyo adkeysiga dadka reer miyiga iyada oo kor loo qaadayo wax soosaarka beeraha iyo waraabka
Madaxweynaha IFAD Alvaro Lario ayaa sheegay in ay muhiim tahay maalgeshiga ay ku sameynayaan Soomaaliya xilli dunida ay dhibaato ku heyso isbadallada cimilada.
Barnaamijka ayaa loogu talogalay in lagu caawiyo ilaa 30,000 qoys, muddo 8 sanp ah, waxaana si gaar ah hortabinta u leh Haweenka iyo Dhalinyarada.