U bood dhigaalka

Dagaalka Gaza: Lix Bilood Kadib Israel oo Ku Hungowday Soo Afjaridda Xamaas iyo Deyrala Laga Muujiyay

Magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa waxaa wali ka socda dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas waxaana laga joogaa Lix bilood marki uu billowday dagaalka ay Israil ku qaadday Gaza, ee u dhaxeeya ciidankeeda iyo dagaalyahannada Xamaas kuwaas oo wali iska cabin ku haya Milatariga Yahuudda, xilli la dilay kummanaan shacab ah.

Dagaalkan oo noqday mid ka mid ah kuwi ugu burburka badnaa ee qarnigan 21-aad ka dhaca dunida, ayaa billowday wax yar kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Israil, todobadi bishi October ee sannadki hore, halkaas oo ay ku dishay in ka badan 1,200 oo Isra’iiliyiin ah isla markaana soo afduubatay in ka badan 250 kale.

Ciidamada Isra’il ayaa dhulka, cirka iyo baddaba ka weeraray magaaladaan oo horayba u go’doonsaneyd ee Gaza, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan iyo badh Falastiiniyiin ah, Inta badan dadkii ayaa hadda isugu tagay degmada Rafax ee cirifka koofureed ee Marinka Gaza, gaar ahaan xadka Gaza iyo Masar oo ay miciin bideen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka Gaza ay galeen xaalad macluul ah, kaddib marki ay Israil is hortaagtay in Gaza ay soo galaan sahayda gargaarka bani’aadannimo, shidaal iyo dawo, taas oo keentay in dad u badan carruur ay nafaqa darro, cudurro iyo gaajo u dhintaan.

Dhanka kale, Xamaas ayaa sii wadda madaafiicda ay ku garaaceyso Israil kuwaas oo ay ka ganayaan Gaza, waxaa iyana sidaasi si la mid ah gantaallo u ridaya dhanka Israil Xisballah iyo ururada kale ee Islaamiga ah ee hubeysan ee mandiqadda.

Xamaas sidoo kale waxay wali heysaa la heystayaal Isra’iiliyiin ah oo ay soo afduubatay todobadi Ocrober, qaarkood ayay sheegeen in ay ku dhinteen madaafiicda Israil ay ku garaaceyso Gaza, laakin waxaa gacanta ugu jira meydadka.


Tirada Dhimashada

Falastiiniyiinta lagu dilay Gaza: 33,091, Carruurta lagu dilay Gaza: in ka badan 13,000

Israa’iliyiinta Israel: ilaa 1,200

Falastiiniyiinta lagu dilay Daanta Galbeed: 456, Dadka lagu dilay Lubnaan: ugu yaraan 343

Dhaawacyada

Falastiiniyiinta lagu dhaawacay Gaza tan iyo 7-badi October: 75,750, Falastiiniyiinta lagu dhaawacay Daanta Galbeed tan iyo 7-badi October: 4,750,
Ciidanka Israil ee la dhaawacay tan iyo marki ay ku duuleen Gaza: 1,549 Rayidka Israa’iiliyiinta ee dhaawacmay tan iyo October 7: 4,834.

waxaas oo dhan iyadoo ay dhaceen Israel ayaa qiratay in ay ku hungowday soo afjaridda Xamaas, kadib weerarkii lagu qaaday Gaza oo diiwaanka madow galay.