U bood dhigaalka

Doon Ku Degtay Xeebaha Mozambique oo Sababay Geerida 90 Qof oo Baxsad Ka Ahaa Xanuunka Daacuunka

In ka badan 90 qof ayaa ku dhintay dooni ku degtay waqooyiga xeebta Mozambique, sida ay sheegeen maamulka deegaanka, Saraakiisha gobolka Nampula ayaa sheegay in 5 qof la soo badbaadiyay oo ka mid ah ku dhawaad ​​130 qof oo la rumeysan yahay in ay saarnaayeen.

Dadkaan  ayaa doonidu la degtay, kadib markii ay isku dayeen in ay ka cararayeen cudurka daacuunka oo dillaacay dalkaasi , xoghayaha arrimaha dibadda ee Nampula Jaime Neto ayaa sheegay in ay jiraan inta badan cudurro kale duwan oo dalka ku dhuftay isaga oo hadlayay.

Muuqaal aan la xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay  daraasiin meydad ah oo xeebta daadsan, kuwaas oo baddu ay soo caarisay saacado kadib, Doonta ayaa ka soo shiraacatay Lunga kuna wajahneyd Jaziirada Mozambique ee ku taalla xeebaha Nampula.

Gobolka Nampula ayaa ka mid ah meelaha uu sida ba’an u saameeyay cudurka daacuunka ee ka dillaacay dalal dhowr ah oo ku yaalla koonfurta Afrika tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkii hore, Sida ay sheegtay Unicef, cudurkan hadda dilaacay waa kii ugu xumaa muddo 25 sano ah.

Tan iyo Oktoobar 2023, dowladda Mozambique waxay soo sheegtay 13,700 xaaladood oo la xaqiijiyay iyo 30 dhimasho ah, arrintaan soo korortay ayaa dowladdu ku tilmaantay xaalad laga murgoodo sida lagu baahiyay wasaaradda caafimaadka dalkaas, kadib shilka doonida degtay.