๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ ๐จ๐จ ๐ค๐๐ง๐ฌ๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฒ๐ฆ๐ข๐ก๐ข๐ข ๐๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐๐ก๐๐ฒ๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐.
Arrinkan ayaa yimid kadib kulan muhiim ah oo ay maanta wadayeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiinta Safaaradda UK ee Muqdisho, Soomaaliya, xilli dhowaan Somaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa.
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirk kuxigeenka UK ee Soomaaliya Mudane Sam Thomas, kulanka oo saaco qaatay kadib ayaa Safiir Sam waxa uu shaaciyay in uu u xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda XFS in Dowladda UK ay kansashay dhammaan daybihii ay ku leheyd Dowladda Soomaaliya 100%.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi I. Cige oo war qoraal ah soo saaray ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah oo Soomaaliya u soo hoyatay taas oo daba socota goโaankii ay dhawaan gaareen Wadamada ku bohoobay ururka Naadiga Paris, goโaankaas ayaa dhigayay in Dowladda Soomaaliya ay wadahadalo gaar gaar ah la qaadato dalalka Paris Club, si loo sii dhameystiro cafinta deymaha ay lee yihiin dalalka qaarkood.