U bood dhigaalka

Golaha Amniga Midowga Afrika oo Aqbalay Codsi Ciidamo Caalami ah Loogu Soo Dirayo Soomaaliya

Golaha amniga iyo nabadda Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay baaqii dhowaan kasoo baxay dowladda federalka ee Soomaaliya oo ahaa in Midowga Afrika uu hoggaamiyo ciidamo calami ah oo ka howlgalaya dalka iyaga oo badelaya ATMIS oo dalka isaga baxaya marka la gaaro December 2024 oo loo asteeyay.

Howlgalkaan lasoo jeediyay ayaa waxaa ku jiri doona ciidamo calami ah, kuwaas oo Qaramada Midoobay ay markale taageeri doonto, ciidankaan ayaa badan kooda ka imaanaya Qaaradadda Afrika, iyadoo lagu darayo qubarro calami ah oo Mareykanka iyo Midowga Yurub ka socda muddada ay joogaan Soomaaliya.

Golaha Ammaanka iyo Nabadgalyada Midowga Afrika ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in kulamo ay yeesheen 26-kii March iyo 3-da bishaan April, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay xogbixin ka siisay qorshaha nabad ilaalinta kadib markii uu dhamaado howlgalka ATMIS oo hadda gabagabo maraya.

Qorshahaan ayaa hore loogu ogolaaday qaraar uu ansixiyay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, golaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la ilaashada guulaha laga gaaray Al-shabaab iyo ololaha hadda socda ee ka dhanka ah Kooxda, waxaana ay markale ku ciliyeen iney siiwadi doonaan taageerada amniga.

Golaha ayaa sidoo kale siiraaciyay muhiimadda ay leedahay sidii loo taageeri lahaa dadaallada loogu jiro dhismaha ciidanka xoogga iyo iskudhafkooda, xilli lagu wado in la kordhiyo ciidanka tiradooda si ay ugu filnaadaan ammaanka guud ee dalka, ciidanka caalamiga ah ayaa howlgali doonaan  muddo sanad ah.

Golaha ayaa walaac ka muujiyay maalgelinta ATMIS oo uu sheegay in ay heysato dhaqaalo yari, waxaana uu xoojiyay sida loogu baahan yahay in la helo hab lagu maalgeliyo oo aan la laheyn hakasho la iskuna haleyn karo, si dhinacyadu ay guul uga wadagaaraan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afirika ATMIS.

Howlgalka socda ee ATMIS ayaa shaqada kala wareegay howlgalkii ka horeeyay ee AMISOM, bishii March 2022, ATMIS ayaa shhaqadoodu waxaa ay ku egtahay December 2024, markaas oo dalka ay imanaayaan ciidanka howlgalka cusub, kuwaas oo shaqadoodu ay bilaabanayso 1bisha January 2025 marka la gaaro.