U bood dhigaalka

Xamaas oo Si Adag Uga Hadashay Dilka Caruur uu Dhalay Hoggaamiyaha Siyaasadda Ee Ururka Xamaas

Sheeko:Caalamka

Sarkaal ka tirsan Ururka Xamaas ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu waxyeeleynayo wadahadallada xabbad-joojinta ka dib saddex wiil iyo afar caruur  uu awoowe u yahay hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh oo lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ka geysatay Gaza.

 Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay dileen saddex wiil oo uu dhalay hoggaamiyaha siyaasadda Ururka Xamaas Ismaaciil Haniyeh, kaddib weerar cirka ah oo ka dhacay Waqooyiga Gaza, weerarkaan ayaa yimid xilli wadahadallada ka socda Masar ee lagu baadi goobayo Xabadjoojin dhaqan Gaza ay wali sii socdaan.

 Afar caruur ah oo uu awoowe u ahaa  Ismaaciil Haniyeh ayaa sidoo kale maalimnimadii shalay ee bilowga ciidda lagu soo waramayaa in lagu dilay duqeyn ka dhacday xerada Shaati, arrintaan ayaa noqotay mid siweyn hadalheynteeda ay u badatay saacadihii lasoo dhaafayay Xamaas ayaa ka carootay.

Haniyeh ayaa u sheegay Al Jazeera in dilalkaasi ay yihiin falal waxshinimo ah oo lagu beegsanaayo caruurta,isagoo tilmaamay in dhaqamada Israel aysan hor-istaagi doonin hadafkooda ku aadan sidii loo heli lahaa dowlad reer Falastiin ah oo gobolka Bariga dhexe ka hanoqaada muddo dagaal ah kadib.

Madaxweynaha Mareykanka oo la kulmay dhaleeceyntii ugu adkeyd ee dagaalka Gaza ayaa Israel u sheegay in ay ku dhawaaqaan xabbad joojin,isagoo dhinaca kale howlgalada milatari ku tilmaamay  inay yihiin khalad, iasagoo sii raaciyay lama huraan in ay tahay in la helo xabadjoojin waarta oo dhaqangasha.

 Dadka reer Gaza ee la daalaa-dhacaya dagaalka iyo gaajada ayaa kaqeybgalay xuska dabbaaldegga Ciidul-Fidriga ,iyadoo Israa’iil ay sii waddo weerarada cirka ee lagu xanibaayo cunnada la geeyo Gaza, dagaalka ayaa galay bishii 6-aad waxaana ku nafwaayay kumanaan reer Falastiiniyiin ah marka la eego .