U bood dhigaalka

Muxuu Mareykanku Kaga Walaacsan Yahay Xiriirka Sii-xoogeysanaya Ee Ruushka iyo Koonfur Afrika?

Sheeko:Caalamka

Dowladda Mareykanka ayaa walaacsan xiriirka laba geesoodka ah ee sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya dowladda Koonfur Afrika iyo Ruushka, taas oo sare u sii qaadaysa awoodda Qaaradda Madoow ay ku yeelanayso Moscow, Mareykanka ayaa arrintaan ku tilmaamay iney dhaawaceyso Amniga Qaranka.


Congress Mareykanka ayaa dhowaan meelmariyay sharciga dib u eegsita xiriirka laba-geesoodka ah ee sii xoogeysanaya ee Koonfur Afrika iyo Ruushka, waxaana madaxda talada haya laga dalbay in ay cadeeyaan in Koonfur Afrika ay ku howlan tahay falal Qatar ku ah amniga qaranka Mareykanka kadib xiriirkooda.


Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu sii xumaanayo xidhiidhka maraykanka iyo wadamada dhaca galbeedka afrika, xilli Arbacdii ay gaadheen dalka Niger ciidmadii u horeeyay ee Ruushka, kadib markii dalkaas uu ka dhacay Afgambi Milatari 26-kii July 2023, markaas oo xilka laga tuuray Maxamed Bezuma.


Ruushka ayaa muddooyinkii dambe waday galaangalka u uku leeyahay dalalka dhaca Galbeed Afrika, xilli uu kaashanayo dowladda China oo ay saaxiibo isku dhow yihiin siyaasadda, dhowaan ciidanka Badda ee South Africa ayaa dhoolatus Milatari la sameeyay ciidamadda Badda Ruushka iyo kuwa ka socday China.


Marxaladdaan ayaa sii xumeysay xiriirka Mareykanka iyo Koonfur Afrika, Madaxweynaha talada haya ee dalkaasi Cyril Ramaphosa ayaa sheegay inaan marnaba la aqbali karin taageerada indho la’aanta ah ee Mareykanku Israel ku siinayo gumaadka ay ku heyso shacabka Falastiiyiinta ee ku nool marinka Qaza.


Hadalka kasoo baxay Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Ruushka ay sii xoojinayso dadaalka ay ku doonayso in ay saameyn ugu yeelato Afrika gaar ahaan Galbeed, waxaana hadda ay aad u kordhay taageerada ay siinayso dalalkaas ee dhanka Milatariga xilli ay Afgambiyo ay ka dhaceen dhowr wadan.