U bood dhigaalka

Maxaa Laga Dhaxlay Sanad Kadib Dagaalka Sokeeye Ee Ka Socda Suudaan?

Dagaalka ka socda wadanka Suudaan ayaa waxaa maanta u buuxsamay muddo hal sano ah, kaas oo u dhaxeeya millatariga iyo xooggaga hubeysan ee RSF, dagaalkaan ayaa galaaftay nolosha kumannaan reer Sudan ah, waxaana guryahooda ka baxay daraasiin kale, kuwaas oo magangalyo doon ku ah dariskooda.

Sannadkii 2013-ki bartamihii April ayuu qarxay dagaalka sokeeye ee uu dhiigga badani ku daatay, tan iyo markaas dagaalka ayaa sababay inuu siweyn ugu faafo magalada Qartuum oo aheyd oo kumanaan ruux ay wax kabaran jiraan, sidoo kale aheyd magaalada ugu dadka badan dalka ahna caasimadda dowladda.

Isu-duwaha xafiiska arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay, Justin Brady ayaa sheegay in bilaha foodda nagu soo hayo ay dhici karto in dalka Sudan ay macluul iyo gaajo ugu dhintaan tobnaan ama boqlaal kun oo qof, haddii aysan bulshada caalamka si deg deg ah ugu gurman Sudanta dhiban.

Hoggaamiyaha Milatariga Al-Burhaani iyo Generalka Hamdan Daqalla sanad kadib mahayaan xal lagu soo gabagabeynayo dagaalka, waxaa fashilmay dhowr isku day oo lagu doonayay in la iskusoo horfariisiyo iyo xalwaara laga gaaro dagaalka, Sudaan waxay cagta saartay wadaddo saadaalinteeda aan la mahdineyn.

Dagaalka sokeeye ee Sudan ka socda ayaa keenay abaar aad u daran, iyadoo ay Qaramada Midoobay iyo hey’adaha gargaarka ee caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ayaa ka digay macluul ay suuragal tahay in dad aad u tiro badan u dhintaan bilaha soo socda, dalalka dariska ah ayaa martigalinaya qaxooti aad u badan.

Ilaa 3.5 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka hooseeyso 5 jir ayaa la ildaran nafaqo darro aad u xun, waxaa ku jira carruur gaareyso 710,000 oo xaalkoodu uu halis yahay sida ay xaqiijisay laanta caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO, waxaana suurtogal ah in xaaladdu ay ka sii dari karto haddii xal la waayo.

Qaramada Midoobay  waxay kaloo sheegtay in dad gaaraya 5 milyan oo ruux oo ku nool Suudaan ay hal tallaabo u jiraaan in ay galaan macluul. Laakin guud ahaan warbixinta ayaa sheegaya in ku dhawaad 18 milyan oo reer Suudaan ah ay cunto la’aan yihiin, xilli dhowaan ay di’I karaan Roobabka xilliga Gu’ga ah.