U bood dhigaalka

Macluul Baahsan oo Laga Cabsiqabo Iney Ku Dhufato Qaza iyo Digniino Laga Soo Saarayo

Sheeko:Caalamka

Hay’adaha caalamigaa ayaa ka digaya macaluul baahsan oo ka dilaacday marinka qasa, taasoo ka dhalatay dagaalka halkaa ka socda, iyo duqeymaha joogtada ah ee Israa’iil.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digaysa macaluul ka jirta qeybo ka mid ah Marinka Gaza, waxayna ku baaqday xabbad joojin degdeg ah si halkaa gargaar cunto iyo midda daawoba loo gaarsiiyo.

Dadka reer qasa ayaa wajahaya dhibaatooyin baaxad leh oo ka dhashay dagaalka bishii 7-aad ka socda, waxaana laga dayrinayaa xaaladda nololeed dadka halkaa ku dhaqan oo gaaraya ku dhawaad 3 milyan oo ruux.

Dalalka Turkiga iyo qadar ayaa dhawaan ka wada hadlaye sidii dadka reer falastiin gargaar loo gaarsiin lahaa, islamarkaana dagaalka socda xal loogu heli lahaa, ayadoo Ankarana ay markab shixnad gargaara ah sida u dirtay dekedda Al-Cariisha ee dalkaasi masar si loogu gudbiyo marinka Rafax.

Duullaanka Israa’iil ee qasa oo ay ku dhawaad 35 kun oo ruux ku ku naf waayeen, boqolaal kunoo kalena ku dhaawacmeen ayaa weli sii socda, ayadoo dalalka iyo hay’adaha caalamkuna waxay ku baaqayaan in xabbad joojin buuxda halkaa laga hirgeliyo.