U bood dhigaalka

Milatariga Israel oo Ku Dhawaaqay Iney Jawaab Aargudasho ah Ka Bixinayaan Weerarkii Iran

Sheeko:Caalamka

Xilli Iran ay ka digtay tallaabo ay qaaddo Israel ayaa u muuqata inay Tal Aviv go’aansatay inay qaaddo tallaabo ay kaga aargudanayso ciidamada milateriga ah ee Iran, iyo qaar ka mida taageerayaasheeda gobolka bariga dhexe ku sugan, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday gudaha Israel laba cisho ka hor.

Milateriga Israa’iil oo u muuqda inay iska indho-tirayaan baaqyada uga imanaya hoggaamiyayaasha caalamka ayaa sheegay Isniintii, in Tehran ay la kulmi doonto jawaab la xidhiidha, weerarkii ay ku qaadeen Israel ee ay ku rideen 350 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Darooniska ah.

Taliyaha ciidamada Israa’iil Lieutenant General Herzi Halevi oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay sida ay uga go’an tahay in weerarkii dhacay ay jawaab ka bixiyaan, waxaana uu intaas ku daray in Israel aysan aqbali doonin tallaabada gardarrada ah ee lagu soo qaaday, kadib weerarkii Suuriya ay ka geysteen.

Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa ku booriyey inay is xakameeyaan, isag oo sheegay in guuldarrada ku timi weerarkii Iran, in taas lafteedu ay tahay guul ballaadhan, isagoo aan Meesha ka saarin in Israel ay Mareykanku garab taagan tahay haddii ay qaadeyso tallaabo ay ku aargudanayso.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee dalka  Maraykanka Major General Pat Ryder ayaa sheegay in gantaalladii iyo diyaaradihii ka badnaa 300 ee ay ridday Iran, in 99% la soo riday, taas oo fasiranayo Iran in muhiimadeedu aheyd qalqal galin oo kaliya ee aysan weerar toos ah kusoo qaadin gudaha Israel.

Dowladaha Britain, France, Jordan iyo Sucuudiga ayaa ku biiray isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil si loosoo rido gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, kuwaas oo muddo ay kusoo qaadatay in ay soo gaaraan gudaha Israel, waxaana lagu guuleystay in badankooda dhulka lasoo dhigo.