U bood dhigaalka

Munaasabad Lagu Dhaariyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka oo Muqdisho Ka Dhacday

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu dhaariyey Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada Mudane Axmed Cumar Maxamed.

Wasiiru-dowlaha oo kamid ah wasiirrada dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa dhaariyay Habdhowraha Golaha Shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kula dardaarmay wasiir Axmed in xilka loo dhaariyay uu u guto si mas’uuliyad ku jirto ugana adeego dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu dhaariyey Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada Mudane Axmed Cumar Maxamed.