U bood dhigaalka

Dowladda Sucuudiga oo Si Adag Uga Hadashay Xasuuqa Lagu Hayo Reer Qaza

Sheeko:Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan ayaa sheegay
in dunidu ay si weyn u buunbuunisay dilka 7 ruux oo samafalayaal ah, kuwasoo lagu dilay Gaza, iyadoo la iska indha tiray in ka badan 33,000 oo ku naf waayay intii uu socday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Wasiirka oo barbar taagan dhiggiisa Pakistan ayaa shir jaraa’id oo ay magaalada Islaamabaad ku wada qabteen ka sheegay inay dadka reer falastiin wajahayaan dhibaatooyin baaxad leh, adduunkuna uu isha keliya ka daawanayo.

wuxuu intaa ku daray in dadaalka la sameeyay ee lagu doonayo in xabad joojin laga sameeyo Gaza aysan ahayn mid ku filan, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta gargaarka la gaynayo halkaa.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza, islamarkaana xal loo helo dagaalka iyo duullaanka gardarrada ee Israa’iil.

Warkaan ayaa ku soo beegmaya xilli xilli dagaalka qasa oo bishii 7-aad oo xariir ah socdo, illaa haddana aanay muuqan ifafaalo muujinaya xal iyo xabbad-joojin midna