U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Taliyaaniga

Sheeko:Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa qaabilay safiirka cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya danjire Pier Mario Dacco’ Coppi.

Safiirka ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay soo dhowaynta diiran ee uu u sameeyay, wuxuuna ballan qaaday in uu si dhow ula shaqeyn doono dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu xooggq saari doono adkaynta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, xariirka labada dhinacna waa mid soo jireen ah, dowladda Taliyaanigaayaa kamid ah dowladaha sida dhow uga taageera dowladda federalka Soomaaliya dhinacyo kale duwan.