U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Kulan Sagootin ah Sameeyay Safiirka Netherlands u Fadhiyay Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Safiirka Boqortooyada Netherlands u fadhiya Soomaaliya Amb. Maarten Brouwer, kaas oo muddadiisii shaqo ee Soomaaliya u dhamaaday.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay Danjire maarten brouwer waxqabadkii iyo wada shaqayntii uu ku howlanaa intii uu Soomaaliya ka howlgalayay, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Dowladda Netherland ayaa kamida dalalka saaxiibkiis la ah Soomaaliya, islamarkaana ka taageera dhanka Mashaaricda hormarineed iyo dowlad dhiska.