U bood dhigaalka

Dowladaha Turkiga iyo Masar oo Ka Wadahadlaya Xiisadda Bariga Dhexe

Sheeko:Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar Sameh Shoukry ayaa booqan doona magaalada Istanbul ee dalkaTurkiga, isagoo la kulmi doona dhiggiisa Hakan Fidan oo ay ka wadahadli doonaan arrimo badan, oo ay ugu horreyso xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe.

Ilo diblumaasiyadeed oo Turkiga ku sugan ayaa sheegay in Shoukry la filayo inuu Fidan kala hadlo arrimaha ganacsiga, dhaqaalaha, maalgashiga labada dhinac la xariira, sidoo kalena ay isla soo qaadi doonaan arrimaha gobolka ka aloosan sida dagaalka Qasa, Liibiya, Suudaan, Geeska Afrika.

Turkiga iyo Masar ayaa kamida dalalka ugu awoodda badan bariga dhexe, waxayna kaalin buuxda ka qaadan karaan dejinta xiisadda ka aloosan gobolka, xilli dhowaan xaaladda gobolka ay sii adkeysay xiisadda ka dhex aloolsan Iran iyo Israel kadib weerarkii dhowaan Iran ay qaaday.