U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo Dalalka Reer Galbeedka Ku Eedeeyay Taageerada Israel

Sheeko:Caalamka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa Sabtidii sheegay in gumaysiga Israa’iil ee dhulka falastiiniyiinta iyo taageerada aan shuruudu ku xirnayn ee reer galbeedku u fidiyaan ay tahay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dhibaatada deganaansho la’aanta ka taagan bariga dhexe.

Intii lagu guda jiray kulan uu la yeeshay dhiggiisa Masar Sameh Shoukry, Fidan wuxuu ku nuuxnuuxsaday in mudnaantu ay tahay in la soo afjaro gumeysiga Israa’iil iyo hirgelinta habka xalinta labada dal oo kala madaxbannaan.

Wuxuu intaas ku daray haddii aan si sax ah loo xalin dhibaatadan Falastiiniyiinta aan la islamarkaana aan dawlad loo aqoonsan, madaxbannaanida, inay dhibaatooyinka ku sii kordhi doonaan gobolka.