U bood dhigaalka

Dowladda Mareykanka oo Qorsheynsa in Canaqabateyn Lagu Soo Rogo General Xamdan Daqalla

Sheeko:Caalamka

Guddiga Xiriirka Dibadda ee Aqalka Wakiilada iyo Senate-ka Mareykanka ayaa ugu baaqay madaxweyne Biden inuu go’aan ka gaaro in cunaqabateyn lagu soo rogo Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan ah iyo taliyahooda, Maxamed Xamdaan Dagaalo.

Sidoo kale guddiga waxay general dagalo iyo maleeshiyaadka uu huggaamiyo ku eedeeyeen xad-gudyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha, waxayna sheegeen inay lama huraan tahay in lala xisaabtamo.

Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF ayaa si weyn ugu lug leh dagaalka sanadka iyo dheeriga ka holcaya dalkaasi suudaan, waxayna la dagaalamayaan Militari-ga dalkaas ee uu Huggaaminayo General Cabdifitaax Alburhaani.

Dagaalkan ayaa sababay khasaare nafeed oo baaxad leh, burbur, iyo barakac xooggan, illaa haddana ma muuqdo xal colaaddaa lagu joojinayo, islamarkaana dalkaa nabad loogu soo dabbaalayaahi.