U bood dhigaalka

Maxkamadda Racfaanka oo Maanta Furtay Dhageysiga Dacwadda Eedeysane Sayid Cali

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta dib u furtay dhageysiga kiis dacwadeedka Sayid Cali Macalin Daa’uud, kaas oo ku eedeysan inuu dil u geystay xaaskiisa Luul Cabdicasiis, Maxkamadda gobolka ayaa hore eedeysanaha ugu xukuntay Dil toogasho ah, taas oo uu Racfaan uu ka qaatay.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sedex fadhi oo dhageysi maxkamadeed iyo cadeymo la horkeenay waxaa 6-dii March lagu dhawaaqay xukunkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay Maxkamadda oo ahaa in lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaasta Allah unaxariistee Marxuumad Luul oo dilkeeda lagu eedeeyay.

Marxuumad Luul Cabdi Casiis oo aheyd hooyo leh lix caruur ah ayaa la dilay iyadoo xaamilo ah, waxaana dilkeeda loo adeefsaday dab, waxaana dhaawac kasoo gaaray asbuuc kadib ay ugu geeriyootay dabkaas, waxaana aas loo sameeyay markii eedeysane Sayid Cali dil toogasho ah lagu xukumay bishii March 2024.