U bood dhigaalka

Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho Sarmi ah Uga Bilaabatay Wadanka Ciraaq

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, kadib markii diyaaraddii siday isaga iyo wafdigii la socday ay ka ambabaxday garoonka Ataturk ee magaalada Istanbul.

Erdogaan ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Maxamed Shiico Al-Sudani iyo mas’uuliyiin kale, waxaana la filayaa inuu madaxda dalkaa kala hadli doono xiisadda gobolka bariga dhexe ka aloosan ee cirka isku sii shareeraysa.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inay labada dhinac isla soo qaadi doonaan arrimo la xariira mashaariic hormarineed, iyo iskaashi amni.

Booqashada Erdogan ayaa ku soo beegmaysa xilli bariga dhexe ay ka taagan tahay xiisad xoogan oo u dhaxaysa Iiraan iyo maamulka Israa’iil, islamarkaana dagaalka Qasa uu galay bishii 7-aad.