U bood dhigaalka

Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Kaaluyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait

Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh ayaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuwait kula kulmay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mac-hadka Saud Nasser Al-Sabah ee Diblomaasiyadda Mudane Danjire Nasser Subiix Al-Sabiix.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga barnaamijyada tababarrada, taas oo kor loogu qaadayo khibradda iyo aqoonta dublamaasiyiinta iyo fududaynta hindisayaasha aqoon isweydaarsiga si loo ballaariyo aragtida dhinaca diblomaasiyadda.

Dalalka Kuwait iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xariir saaxiibnimo oo qoto-dheer, wuxuuna dalkaasi kamid yahay kuwa ay soomaalidu ugu kalsooni badantahay Dalalka Carabta.