U bood dhigaalka

Guddoomiaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Safar Ugu Ambabaxay Turkiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qeyb gali doono shir socon doono muddo 3 maalmood ah.

Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Turkiga waxaa uu uga qayb gali doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Baarlamaannada wadamada Islaamka, asagoo sidoo kale kulammo kala duwan la qaadan doonaa madaxda baarlamaanka dalkaasi.


Turkiga ayaa kamida dalalka ugu muhiimsan ee Soomaaliya saaxiibka la ah, waxaana ka dhexeeya xariir iskaashi oo dhinacyo badan leh iyo heshiisyo wax ku ool ah, waxaana xusid mudan in dalka ay dhowaan soo gaareen Maraakiibta Turkiga ee ilaalada xeebaha Soomaaliya ee heshiiska difaaca.