U bood dhigaalka

Ra’iisulwasarae Xamse oo Kulan La Qaatay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Turkiga Ka Socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga oo soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaas oo qeyb ka ahaa dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Markabka Difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo sii xoojinaysa iskaashiga iyo walaalnimada Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka cashada ayaa waxaa ku wehelinayeen Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Munasabaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli markab nooca dagaalka ah oo ay dowladda Turkigu soo dirtay uu soo gaaray dekadda Muqdisho, islamarkaana si weyn loogu soo dhoweeyay.