U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin oo Soo Dhoweysay Tallaabada Dowladda Jameyka

Sheeko:Caalamka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Falastiin ayaa soo dhoweysay go’aankii ay dowladda jameyka ugu aqoonsatay dowlad madax-bannaan, dalalka kale ee caalamkana ugu baaqday inay tallaabadaa oo kale qaadaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka Jameyka ee ah in ay aqoonsato Dowladda Falastiin, iyo in ay ku biirto dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee ku baaqaya in si wax ku ool ah loo fuliyo xalka labada dowladood oo kala madax-bannaan, iyo ixtiraamka xuquuqda dadka reer Falastiin ay u leeyihiin in ay si xor ah u noolaadaan”.


Bayaanka ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jameyka , Ms. Kamina Johnson Smith, ee uu dalalka caalamka ugu baaqay inau aqoonsadaan Falastiin si loo xalliyo dhibaatada haysata dadka reer falastiin, islamarkaana loo helo laba dowladood oo kala madax-bannaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Jameyka ayaa saacado ka hor ku dhawaaqay in dalkiisu uu si buuxda u aqoonsaday dowladnimada iyo madax-bannaanida Falastiin, wuxuuna dalalka kale ee dunida ugu baaqay inay tallaabo taa lamida qaadaan.