U bood dhigaalka

Xutiyiinta Yamen oo Weerar Ku Qaaday Maraakiib Mareykanka iyo Israel ay Leeyihiin

Sheeko:Caalamka

Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar ku qaaday saddex markab oo xamuul ah iyo markab dagaal oo Mareykanku leeyahay, waxayna tillaabadaa qaadeen muddo laba toddobaad gudohooda sida ay sheegtay kooxdan gacan saarka la leh iiraan.

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen maraakiib Maraykanka iyo Israa’iil leeyihiin, iyadoo xulafada reer galbeedka ee ku jira howl-galka gacanka Cadmeedna ay isku dayayeen inay maraakiibtaas difaacaan, balse waxay shaaciyeen inay weerarkaas ujeedadii ay ka lahaayeen ka gaareen.

Yahya Saree, oo ah afhayeenka milatariga kooxda, ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay goor in Xuutiyiinta ay garaaceen markabka xamuulka ah oo lagu magacaabo Maersk Yorktown marayay gacanka gacanka Cadmeed.

Milateriga Maraykanka ayaa dhankooda xaqiijiyey in Xuutiyiintu ay gantaal ballistic ah la beegsadeen markabka marayay aagga badda cas, kaas oo uu ka babanayay calanka Maraykanku, isla markaana ay la socdeen 18 shaqaale oo Maraykan ah iyo afar u dhashay Giriigu.

“Ma jiraan wax dhaawac ah ama waxyeello ah oo ay soo sheegeen Mareykanka, isbaheysiga, ama maraakiibta ganacsiga,” sidaa waxaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska dhexe ee Mareykanka ee (CENTCOM).

Wasaaradda Difaaca ee Giriiga ayaa ayana sheegtay in mid ka mid ah maraakiibta militariga ee dalkaas oo ka tirsan howlgalka Midowga Yurub ee ka hortagga Xuutiyiinta ee ku sugan Badda Cas uu qabtay labo diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku soo wajahan markab ganacsi oo ka yimid Yemen.

Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska ee (UKMTO) ayaa hore u xaqiijiyey dhacdo meel 72 meyl koonfur bari ka xigta dekedda Jabuuti ee gacanka Cadmeed.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay taageerto dowladda Iiraan ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Qasa 7-dii bishii oktoobar sanadkii 2023 waxay weerarro beegsi ah ku hayeen maraakiibta Israa’iil xariirka la leh iyo kuwa reer galbeedka, ayadoo sheegay inay weeraradaasi jawaab u yihiin duullaanka gardarrada ah ee ay Israa’iil ku hayso Marinka Qasa.

Goobjoog.com