U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Tirsan oo Shirka Baarlamaannada Dunida Uga Qeybgalay Magaalada Vienna

Wafuud ka kala socda baarlamaanada dunida oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow iyo Senator Cismaan Maxamuud Dubbe ayaa Soomaaliya uga qayb galay shirka xakamaynta iyo nabad u isticmaalidda Nukliyeerka,kaas oo ka dhacay caasimadda Austria ee Vienna.

Xildhibaanada Soomaaliyeed ee shirka ka qayb galay intii ay ku jireen kulamada shirka waxa ay si gaar gaar ah ula kulmeen madaxda Qaramada Midoobay ee xaruntoodu tahay Vienna, sida Agaasimaha Guud ee hay’adda ka hortagga Nukliyeerka ee IAEA Mr. Rafael Mariano Grossi.

Madaxa xakamaynta tijaabada nukliyeerka Dr Robert Floyd, madaxa hay’adda ka hortagga dembiyada qaramada midoobay ee UNODC qaybta dembiyada, madaxda booliska adduunka ee Interpol, safiirada dalalka Maraykanka, Norway, Ciraaq iyo madax badan oo ka kala socotay caalamka, kuwaas oo ay warbixin dhammaytiran ka siiyeen horumarka laga sameeyey la dagaalanka khawaarijta, dhammaystirka dastuurka iyo shaqooyinka u qabsoomay baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya labadii sano ee u dambeysay.

Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale waxa ay booqdeen shaybaarka Siebersdorf oo ah kan ugu weyn adduunka ee lagu horumariyo cilmiga nukliyeerka oo looga faaiideysanayo si nabad gelyo ah.

Shaybaarkan oo ay maamusho hay’adda nukliyeerka adduunka ee IAEA, isla markaana ay hirgelintiisa ku baxday boqolaal malyuun oo dollar waxa durba lagu guuleystay cilmi baarisyo waxtar u leh aadamaha, iyada oo laga faaiideysanayo awoodda nukliyeerka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale booqday Saddex labaratoori ,kuwaas oo qabta shaqooyin ay kamid yihiimn:-

Xanuunka kansarka (cancer) oo la tilmaamay in lagu guleystay xakameynta iyo daawynta cudurkaasi,gaar ahaan marka uu cusub yahay.Illaa haddana mishiinka ama qalabka looga hortago cudurkaasi waxa la’ geeyey 8 waddan oo Afrikaan ah.

2-Shaybaar qaabilsan dhinaca beeraha waxaana lagu guuleystay in geedkii ku bixi jirey 6 bilood in laga dhigo 2 bilood

Mashruucana waxa lagu tijaabiyey bariiska Thailand oo wax soosaarkiisii saddex laab kordhay sida uu mudanayaasha baarlamaanka u sheegay Agaasimaha Guud ee IAEA Rafael Mariano Grossi.

3-Shaybaarka qalab sii sheegaya qaraxa ama sunnaamiga ka dhasha dhulgariirka, 10 daqiiqo kahor inta uusan dhicin. Qalabkaas oo mustaqbalka wax weyn ka tari doona bedqabka iyo badbaadada shacabkeena.