U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Toogasho Ku Fulisay Askar Dil Geysatay

Qasaastan oo laga fuliyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubinno ka tirsan maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, maamulka gobalka dhanka Galmudug iyo masuuliyiin kale.

Ku Xegeenka xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda Ciidamada xidigle Xasan Siyaad Maxamed ayaa ku dhawaaqay Xukunka, wuxuuna sheegay in qasaasta lagu fuliyay Cabdi Kaafi Cali Cabdulle oo horay u diley Cadnaan Cali Salaad, iyo Iidle Cumar Idiris oo asna diley Bilan Xaashi Salaad.

Masuuliyiin ka socatay gobalka Mudug oo ayaguna goobta ka hadlay ayaa maxkamadda uga mahadceliyay xukunka ay fulisay, sidoo kalena waxay sheegeen inay muhiimtahay in gacan ku dhiigleyaasha caddaaladda la mariyo si ay muwaadiniintu dilalka macne darradaa uga nabad galaan.