Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday askari dil ka geystay Dhuusamareeb
Sheeko:MAXKAMADDA CIIDAMADA
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday askari horay wade mooto bajaaj ugu diley magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.
Askarigan oo lagu magacaabo Farxaan Jaamac Siyaad, kana tirsanaa ilaalida madaxtooyada Galmudug ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in wadaha mootadu uu xawaare ku dhaafay bar-hubineed oo uu waardiye ka ahaa, ka dibna uu xabada ku riday asagoo u malaynaya inuu qarax sida.
Dhankeeda Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maalmihii la soo dhaafay dhageysiga galdacwadeedkan fadhiyo kala duwan ka yeelatay ayaa ugu dambayn Askarigan ku riday xukun toogasho ah, kaas oo ah qasaasta wadihii mootada, ayadoo sidoo kale lagu eedeeyay in rasaastii uu furay askari kale uu ku dhaawacmay.