Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Jamhuuriyadda Pakistan.
Wafdiga Pakistan waxaa hoggaaminayey Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz, oo Muqdisho u yimid booqasho rasmi ah.
Soo dhaweynta wafdigan ayaa qeyb ka ah xiriirka iyo iskaashiga dhinaca difaaca iyo milatariga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan xoojinta wada-shaqeynta labada Ciidan Cirka.
Intii uu wafdigu ku sugnaa Muqdisho, waxaa la filayaa in ay kulamo la yeeshaan saraakiisha sare ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha iskaashiga milatari, tababarrada, khibrad-wadaagga iyo horumarinta awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliya.
Booqashada wafdiga ayaa sidoo kale muujinaysa xiriirka soo jireenka ah ee dhinaca iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo labada dhinac ay fursad u helayaan in ay ka wada hadlaan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirkooda milatari.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in booqashada wafdiga Pakistan ay muhiim u tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca.