Muqdisho – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi ku xukuntay Ex-Dable Xoogga Dalka Cabdi Aadan Ibraahim, oo ku magac dheer “Soddon”, kaas oo lagu eedeeyay dilka muwaadin ku shaqaysanayay xirfadda dhismaha guryaha.
Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi ayaa la dilay 26-kii Luulyo 2026, xilli uu shaqadiisa kasoo baxay, isla markaana uu saarnaa mooto Bajaaj uu u kireystay si uu ugu gaaro hoygiisa.
Sida lagu sheegay faahfaahinta kiiska, eedeysanaha ayaa mooto Bajaajta ku joojiyay waddada xaafadda Iga-daba-geey ee degmada Garasbaaley, isaga oo doonayay in la sii qaado. Markii loo sheegay inaysan isku jiho u socon, ayuu muran kadib rasaas furay, waxaana laba xabbadood oo bastoolad ah uu riday mid kamid ah ay caloosha kaga dhacday Marxuumka, kaas oo isla goobta ku geeriyooday.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu baxsado, balse uu ku dhuuntay geed ku yaalla meel aan ka fogeyn goobta falka uu ka dhacay. Dad shacab ah ayaa ciidamada ammaanka ku wargeliyay halka uu ku dhuumanayay, waxaana halkaas lagu soo qabtay.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday in kiiska la qaado, waxaana codsigaas la oggolaaday 16-kii Sebtembar 2026.
Ugu dambeyn, Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka dilka toogashada ah ee qisaasta Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa warbaahinta u sheegay xukunka lagu riday eedeysanaha.