U bood dhigaalka

Dowladda Filibin oo Beenisay Hadal Kasoo Baxay Shiinaha

Sheeko:Caalamka

Dawladda Filibiin ayaa beenisay hadal dhowaan ka soo yeeray Shiinaha oo ahaa in labada dal ay heshiis ka gaareen khilaafkii dhinaca badda ahaa ee ka taagnaa Badda Koonfurta Shiinaha, waxanay sheegashadaas ku tilmaantay dacaayad aan waxba ka jirin.

Afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee magaalada Manila ayaa 18-kii bishan Abriil sheegay in labadooduba ay ku heshiiyeen horraantii sanadkan qaab cusub oo lagu maareynayo xiisadaha ka taagan aaggaas,iyadoo aan faahfaahin laga bixin qaabka uu u dhacay heshiiskaasi.

Xoghayaha Difaaca Philippine Gilberto Teodoro ayaa sheegay in dowladdiisu aysan ka warqabin heshiiska uu sheegay shiinuhu, sidoo kalena aanay qayb ka ahayn heshiis kasta oo lala galo Shiinaha tan iyo markii uu Madaxweyne Ferdinand Marcos Jr xilka qabtay 2022.

Safaaradda Shiinaha ee dalka Filibiin ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalkan Xogyaha arrimaha dibaddaFilibiin, ayadoo ay Beijing iyo Manila isku hayaan aagga badeed oo ay Filibiin rumaysantahay inay leedahay, balse sidoo kale Shiinuhu uu sheeganayo.