U bood dhigaalka

Gabar Caan Ka ah Barta Tiktok oo Lagu Toogtay Ciraaq iyo Sabab Layaab Leh

Gabar caan ka ah barta TikTok oo u dhalatay dalka Ciraaq, laguna magacaabo Om Fahad, ayaa lagu toogtay weerar ka dhacay bannaanka gurigeeda oo ku yaalla. degmada Zayouna ee magaalada bariga Baqdaad.

Sawiro ay kamarada ilaalada qaadeen ayaa muujinaya nin hubaysan oo keligiis ah, xiranna dhar madow iyo koofiyadda oo ka soo degaya mooto, una socda dhanka gaari uu ku jiray TikTok-karku, ka dibna oo tooganaya Om Fahad.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ay diyaarisay koox soo baara qaabka uu dilka u dhacay. Om Fahad, oo magaceeda saxda ah uu yahay Ghufran Sawadi, ayaa caan ka ahayd TikTok iyada oo ku dhawaad ​​nus milyan taageerayaal ah la wadaagtay muuqaallo iyada oo qoob-ka-cayaar muusig wata.

Bishii Febraayo 2023, waxaa maxkamadi ku xukuntay lix bilood oo xarig ah taasoo go’aamisay muuqaaladeeda ay anshaxa ka baxsanyihiin oo ay wax u dhimayaan xishoodka iyo asluubta guud, iyadoo qaar ka mid ah muuqaladeeduna ay gaareen in ka badan hal milyan oo daawasho ah.

Shan kale oo dadka baraha internet-ka isticmaala ah ayaa sidoo kale xilligaa lagu riday xukunno gaaraya ilaa laba sano oo xarig ah, waxaana la bilaabay baaritaano ka dhan ah kuwa kale dhaqan xumo lagu eedeeyay , ka dib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ciraaq ay guddi u saartay waxyaabaha anshaxa iyo diinta ka hor imaanaya ee qadka lagu soo bandhigo.

Si kasta ahaatee dilka om Fahad ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan kooxo ka caraysan muuqaaladeeda qoob ka cayaarka ah iyo hab-dhaqankeeda aan la jeclaysan.