U bood dhigaalka

Mareykanka iyo UK oo Dhaqdjaqaaqa Xamaas Ka Dalbaday Aqbalaadda Xabadjoojinta Qaza

Maraykanka iyo UK ayaa ku booriyay Xamaas inay aqbasho soo jeedinta Israa’iil ee ku aaddan xabbad joojinta dagaalka Gaza iyo sii deynta qaar ka mid ah la maxaabiista ay gacanta ku hayso, kuwaas oo sugaya in ay dib ugu laabtaan qoyskooda.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain David Cameron ayaa Isniintii sheegay in soo jeedinta Israa’iil ee loo gudbiyay Xamaas ay ka mid tahay in 40 maalmood oo xabbad joojin ah laga sameeyo marinka qasa iyo in la sii daayo kumannaan kun oo maxaabiis falastiiniyiina ah si loogu badasho qaar ka mid ah la haystayaasha Israa’iil.

Isagoo ka hadlayay Isniintii shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka oo ka dhacay caasimadda Sacuudiga ee Riyadh,ayuu yiri “Waxaan rajeynayaa in Xamaas ay aqbasho soo jeedinta Israa’iil,”wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dagaalku uusan dhammaan doonin ilaa dhammaan maxaabiista la sii daayo.

xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa asna sheegay inuu rajaynayo in Xamaas ay aqbali doonto soo jeedinta xabbad-joojinta, ” Waxaan ku rajo weynahay inay qaadan doonaan go’aanka saxda ah,” ayuu yiri Blinken.

Qadar iyo Maraykanka ayaa muddo bilo ah ka shaqaynayay sidii ay u dhexdhexaadin lahaayeen Israa’iil iyo Xamaas, balse dhaqdhaqaaq diblumaasiyadeed oo maalmihii la soo dhaafay si xoog leh u socday ayaa u muuq in dalal badani ay dabada ka riixayaan in la hakiyo dagaalka ku dhawaad ​​7 bilood oo ay colaaddu socatay kadib.